Marka hore waa maalin sida uu u sheegay suldaan Abshir siyaaro u ah inta taaageersan gooni goosadka ee beesha Isaaq iyadoo dhalaanka Hargeysa iyo Burco loogu sheekeeyo in ay tahay maalin ay la soo noqdeen xoriyadii.
Suaasha dadka CAQLIGA leh is waydiiyaan ayaa ah YAY kala soo noqdeen ma DAL burburey oo cidiba xukumin mise dawla jirta..jawaabta saxda ayaa ah in kooxda gooni goosadka ah ay heshay FURSAD is biirsatey oo burburka dalku qaybta ugu weyn ka yahay.
Hadaba shacabka Boorama oo xataa aan garanayn heesta maamulkan isku CAMIRA waxaad is waydiin kartaa YAA u soo baxa maalinta siyaarada beesha inta gooni goosadka.
Waxa ii soo baxdey in ay yihiin inyar oo shilimaad la siiyay iyo in ay sii siiyeen halka dadka kale ee bilaa shaqada ah ay u soo daawasho tagaan soona CAMIRAAN halkaas oo gooni goosadku fursad ka helo uu ka qaato sawiro muuqaalana ka soo duubo.
Maadaama ay lacagi jirto waa maalin shaxaadku xoogan yahay, intii uu yimi Ramaaxna maalintan JAADKA aad loo cuno maadaama kharash badan lays kala waydaarsado.
Arintaas awgeed ayaa JAADLEYDA iyo dad aan hore u qayilin ay maalintaas ka faroqabsadeen, si markaad u eegtana u ah maalin ay sugaan. Dhalinyarada ayaa iyaguna u kala badiya ISTUSKA si loo aqoonsado in uu yahay GOONI goosad saxa sidaasna wax laoogu soo tuuro.
C/raxmaan Ciro ayaa daraad la hadlay telefishanka Universal wuxuuna sheegay haddii maalintan muran ka taagmey bal aan raadino maalin kale oo laysku raaci karo oo uu u jeeday 26 Juun.
Warkaas Ciro ayaa ka dhigan in beeshu hadda soo fahmayso in caruur la duufsadaa soo dhamaanayso oo ay u baahan yihiin in lacagaha laga ururiyo islaamaha yaanyada gada loo kharashgareeyo si diinta waafaqsan halkii lagu faani lahaa maalin la kala goynayo dad Muslimiina, taas oo dagaal ku dhamaanaysa aakhirka haddii Somaliya guud ahaan burbur ku sii jirto.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay