X

Yaa codsaday in garoonka Muqdisho lala gelin hub

Kadib markii dawlada Somaliya soo saaray amar ah in la mamnuucay in hub lala galo garonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxa la is weydiinayay cida go’aankaas lahayd iyo sida uu ku yimi.


Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Cabdi Ashkir Jaamac ayaa sheegay in iyaga ay codsadeen in dadka mas’uuliyiinta ah aysan hubka la soo gelin Gudaha Garoonka.

Waxaa uu sheegay in amniga garoonka Muqdisho uu yahay mid la isku haleyn karo, sababaha ugu weyn ay u dalbadeen in aan hub lala soo gelina ay tahay in Gudaha Garoonka markii ay mas’uuliyiin ka duulayaan ama kasoo degayaan ay ku arkeen Ciidamo isbarbar yaacaya oo wata hub farabadan, taasina ay sababi karto amni daro.


Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Cabdi Ashkir Jaamac ayaa isaga oo ka jawaabaya in Go’aan kaan loola dan leeyahay kooxaha halka jufo ee sheegta Midowga musharixiinta ayaa waxaa uu sheegay in aysan jirin dad sigaar ah loola dan leeyahay, balse kaliya sugida amniga ay ku dadaalayaan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.