X

Yaa dabada ka riixaya sheekada Taywaan iyo maamulka Muuse Biixi

Waxa jasiirada Taywaan ee Shiinaha ka mida sheegatay inay xafiis ka furanayso Hargeysa marka waqtigu saamaxo, heshiiskaasi uu qarsoodi noqdo, taas oo muujinaysa inay ogtahay in khasaare mooyee ayna faaiido ugu jirin.

Taywaan ayaa u baahan macdanaha kala duwan si dhaqaalaheedu u sii socdo, waxayse u baahan tahay inay hesho siyaasad degan, taas oo ayna hadda haysan inta badana ay dabada ka wadaan xulafada Maraykanku horkacayo.


Hadaba yaa Taywaan kula taliyay inay u soo wareegto dhinaca Somaliya

Waxaan shaki ku jirin in sheekadan ay ka dambeeyaan Maraykanka oo dhawaan ku qasbay Farmaajo inuu la fariisto horjooge Muuse Biixi, si sheekada hore u duntey ee Somalilaan dibedda loogu soo saaro.

”Marnaba kama imaan Muuse Biixi iyo inta ku wareegsan waayo aqoonteeda iyo aragtideeda male, waxase dhiirigelinta leh Maraykanka oo Ingiriiskuna ku jiro ayuu yiri Xuseen Warsame.


Taywaan waxba kama faaiideyso maamulka Hargeysa ama gobolkaba waayo waa meel aan cidi ictiraafsanayn oo waxba oolin, siyaasad ahaan deganayn guud ahaana ku hoos jirta dawladaa Somaliyeed ee burbursan. Hamiga goosadka ayaa hadda ku haray inta maamulka fadhida.

Waxase Ingiriisku in muddo ahba waday sidii uu Somaliya cadkiisa uga goosan lahaa haddii uu wax ka waayana uu gacanta ugu dhigi lahaa kheyraadka gobolada Waqooyi, oo uu u haysto hanti meel u taala oo uu qaadan karo markasta oo uu rabo.


Maraykanka oo dareensan in madaxda Somalida ee timaadaa ay dhinac kale u jeestaan ayaa isna raba hadda inuu taas uga faaiideysto inuu qaybtiisa ka qaato kheyraadka gobolada Waqooyi.

Waa talaabo khatara oo halis gelin karta amniga gobolada Waqooyi inay hadda noqdaan meel loo kala badiyo kheyraadkooda. Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa jeclayn ku lug lahaanshaha Turkiga ee Koofurta Somaliya ugu yaraan.


Taywaan oo jasiirad yara oo Shiinuhu rabo inuu xoog ku qabsado hadday madax banaani ku dhawaaqdo waxa hubeeyay Maraykanka, waxana la siiyay ganacsi xora oo waxyaabaha ay soo saarto ugu iib geyso wadamada reer Galbeedka ugu yaraan.

Waxay xulafada Maraykaku geeyeen warshado badan taas oo jasiirada ka dhigtey meel waxyaabo badan soo saarto, dabcan waxay ku dagaalamayaan nidaamka dhaqaale ee Shiinaha.


Waase ku dhici waayay Maraykanku inuu aqoonsado, wuxuuse u adeegsadaa inuu ku fushado danahiisa gaar ahaaneed.

Taywaan dan maxaa ugu jirta maadaama ictiraaf raadinayso

”Hadday Taywaan is leedahay gacanta ku dhig macdanta dalka iyo kaluunkeeda wey ku hungoobi. Dawlada Somaliya ayaa hore laysano u siisay shirkado Shiine ah inay kaluunka qaar ka gurtaan badda Somaliya oo ay ku jirto xeeraha gobolada Waqooyi.


”Anigu ma arko wax faiido ah oo gobol faaruqa oo maran oo dhaqaale jirin inuu faaiido u leeyahay icuitiraaf raadinta Taywaan ayuu yiri nin ka tirsan mucaarad jasiirada Taywaan.

Isku soo duubaa ma jirto wax haba yaraatee guula oo Taywaan ka gaarayso inay lug ku yeelato gobolada Hargeysa iyo Burco, hadday is lahayd kaga hel Shiinaha halka Maraykanku qas mooyee uuna marnaba ku guulaysanayn inuu dalka kala jaro.


Waxase muuqata in Muuse Biixi waxoogaa shaaha kaga helay Taywaan, jufadiisana geeyay Taywaan iyo siyaasada fashilantey ee gooni goosadka oo gaalo hadda u wado, ayadoo warbaahinta Taywaanku qorayaan in Maraykanku yahay kan isleh faaiido ka hel.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.