X

Maxay ka wada hadleen madaxweyne Farmaajo iyo safiirka Shiinaha

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Mudane Qin Jian.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ku dhisan in aan dalna dalka kala farogelin arimaha gudaha iyo xiriirka qotoda dheer ee labada shacab.


Danjiraha Shiinaha ayaa ku celiyay inay ka go’an tahay dalkiisa qaranimada iyo madax banaanida dalka. xilli jasiirad gooni goosata ah oo Shiinaha ka mida ay sheegtay inay xiriir la furtey Muuse Biixi. Dabcan waxan sheekadan wata Marayakanka iyo Ingiriiska.

”Way naga go’n tahay madax banaanida iyo qaranimada dalka Somaliya ayuu yiri safiirku weligeena ma aanan farogelin haddana uma socono ayuu raaciyay.


Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay danjire Qin Jian in Soomaaliya ay ixtiraamayso midnimada dalka aan saaxiibka nahay ee Shiinaha.


Shiinaha ayaa u cadeeyay madaxda Somalida in Taywaan uu ku adeeganayaan isla kuwa ku adeegta hadda ee reer galbeedka. Shiinaha oo ah dal aad u xoogweyn kuma qaadanayso saacado inuu muquuniyo Taywaan.

”Qawlaysatada Taywaan ee hore u faaruqiyay baddeena waa in hadda ilgaara lagu fiiriyaa ayuu yiri Cali Calasow oo hadda wixii ka dambeeyaa badda qayb weyn laga siiyaa Shiinaha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.