Yaa ka dambeeyay ridida golihii wasiirada ee Puntland. Qorshahan ayaa ahaa mid socday in ka badan Lix bil balse kasoo daahay waqtigiisa sida aynu xogta ku helnay.
Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaa la xaqiijiyey in midani uu kaalin weyn ku lahaa, kadib markii maamuylka maamulka Gaas u arkay mid aan dadka dan u hayn.
Xogtu waxay sheegeysaa in xildhibaannada riday xukuumadda Gaas ay badi ahaayeen kuwo horay ula kulmay Faroole, qorshahanna uu ahaa mid muddo socday.
Garoowe maanta aad baa looga hadal hayaa riditaanka xukuumadda Gaas, iyadoo muddo badan Gaas uu isku dayayey inuu baajiyo balse ay u socon weysay.
C/laahi Warmooge
ARAABINEWS