November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Yaa ka horjooga Cabi Axmed inuu soo af-jarayo maleeshiyada Tigreega

Maraykanka ayaa sheegay inuu shiriyay waxa uu ugu yeeray 9 urur oo buga oo uu ku sheegay inay rabaan in dhisaan dawlad ku meel gaara. ”Waa wax laa yaabo ayuu yiri Xirsi Warfaa halkey joogaan 9-ka urur ee uskag Joo Baydan sheeganayo ayuu raaciyay.




”Waxay ka mid tahay dagaalka hawada ee xulafada Maraykanku watio ay ka wadaan Itoobiya, ayagoo toos u wata Tigree xun oo aan lahayn awood uu ku gaaro meel dheer ayuu yiri Maxamed Axamad oo Oromo ah joogana Addis ababa.

Ninka Maraykanku u soo direy dawlada Itoobiya ayaa sii shiriyay 9-shaqsi kadibna u soo duulay Itoobiya si uu ugula gorgortamo dawlada Itoobiya oo awood u leh inay aasto Tigree.



Hadaba maxaa ka horjooga dawlada dhexe ee Itoobiya inay soo afjarto Tigreega kibray ee reer galbeedku wato. Wa ta koowaade dawladu mar ayay burburisay maleeshiyadii Tigree kadibna si aan la jeclaysan ayay ugu soo baxday, waxayna rabtaa inay markaan aasto.

Waa ta labaade waxay dib u habayn ugu jirtaa sidii ay u heli lahayd isku xidh dhinaca isgaarsinta ah siiba gobolka Axmaarada oo uu fashilmay isku xidhka ciidanka dawlada dhexe iyo maleeshiyada Axmaarada. Waxana loo aanaynayaa weerar ugu yimi dhinaca Maraykanka.



Waa tan ugu dambeysa oo ah inuu yareeyo caqabada ugu imaanaysa reer galbeedka oo raba inay Itoobiya dabada u rogaan ayagoo ku eedaynaya Cabi Axmed inuu la xidhey xulafada Ruushka, Shiinaha iyo Turkiga.



Xasuuqii Tigreegu ka gaystey magaalooyinka Dessy iyo Kombolja ayaa bedelay xaalada dagaalka waayo Tigreegu waxay adeegsadeen shacabkii magaalada oo xasuuqay isla kuwii ay wada deganaayeen.

ARAABINEWS