November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Yaa soo ogaadey in uu jiro musuqmaasuq u dhexeeya wasiiro Somali ah iyo shirkada Soma Oil

Wakaalada musuqmaasuqa xun baarta ee dalka Ingiriiska ayaa baaraysa shirkad ka dhisan Ingiriiska oo dawlada Somaliya u saxiixdey qandaraas ku saabsan soo sahaminta saliida iyadoo shirkadu isla sahaminta kadib ay hadana fursad u yeelanayso in ay ka qaybqaadato tartanka dib u qodista ceelasha la helo.

Hadaba baaritaanka oo hadda ku dhow gabogabo ayaa waxa la helay iimaylo cadaynaya in wasiir ka tirsan wasaarada macdanta uu u direy shirkada SOMA OIL in haddii ay rabaan in ay heshiiskan sii kordhiyaan oo mahcnaheedu yahay in ay ku biirsadaan in ay tartan galaan ay bixiyaan lacago la rabo.

Waxa kale oo iimayl kale ku qornaa in uu sheegay in heshiiska shirkada ayna wali barlamaanku ansixin haddii markaa ayna shirkadu bixin lacago ay dhici karto in heshiiskaas barlamaanku dib u eego. Agaasimaha wasaarada macdanta ayaa ugu badan ninka la jabsaday iimaylkiisa.

IImaylada wakiilkan ayaa waxa jabsaday qaramada midoobey oo duubta isla markaana si caadiya u akhrida iimaylada madaxda Somalida ee jooga Muqdisho oo uu ku jiro madaxweynaha.

Ujeedada baaritaankan ay samaysay qaramada midoobey ayaan la garanayn waxa ay uga dan leeyihiin iyadoo dadka siyaasada indha indheeya ay leeyihiin waxay rabaan in dalku aanu cagahiisa isku taagin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM