09/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Yaa suaasha ictiraafka Somaliland waydiiyay Rayla Odinga iyo taageerada uu siiyay

Hogaamiyaha mucaaradka Kiiniya Rayla Odinga ayaa suaal ay waydiisay gabadh u dhalatey beesha Isaaq oo ahayd ”maadaama Koofurta Somaliya wali cakirantahay  bal in barlamaanka Kiiniya ictiraafi karo Somaliland”.

Odinga ayaa ku jawaabay in uu waligiiba raacsanaa gooni isku taaga Somaliland inkastoo uuna si qotodheer u hayn xcaalada ka jirta Woqooyiga Somaliya hadana ku faanay in uu isagu ugu horeeyay booqdeyna madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal.

Odinga ayaa sheegay in aanu cidna ka baqayn hadalkiisuna iska hor imanayn. Wuxuuse diidey in uu ku hadlayo afka dawlada Kiiniya laakiin uu ku hadlayo kan magaciisa.

Odinga ayaa diidey in uu isticmaalo erayada Somaliya iyo Somaliland hadalkiisuna u badnaa Koofurta iyo Somaliland. Waxase muuqata macluumaadka uu haysto in ay tahay intii saaxiibkii ina Cigaal u dhiibey.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS