Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ayaa waxaa ka socda Ol’ole balaaran oo Musharixiinta u taagan jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka ay ku raadsanayaan codadka Xildhibaanada,xilli doorashada Guddoomiyuhu ay dhacayso todobaadka soo socda.
Maalinta Isniinta oo taariikhdu ay ku beegan tahay 9/11/2015 ayay dhacaysaa doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland,waxaana Guddiga doorashada oo ka kooban shan xubnood ay si habsami leh u wadaan hawlahooda ku aadan qabsoomida Doorashadda.
Wararkii u dambeeyay ayaa lagu ogaaday in Musharax Axmed Cali Xaashi iyo Cabdixakiim Dhoobadaareed ay yihiin labada Musharax ee ugu cad cad,kuwaas oo ka mid ah Xildhibaanada ka yimaada Gobolada Sanaag iyo Hayland.
Labada Musharax ayaa ka mid ahaa Musharixiintii sanadkii 2014-ka u tartamay jagada Guddoomiyaha Baarlamaanka,hasa yeeshe waxaa mar kale ay fursad u heleen inay jagadaa u tartamaan.
Axmed Cali Xaashi ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland soonoqday sanadkii 2006 illaa 2009.
Guddoomiyaasha Baarlamaanka Puntland ee sanadkii 1998-dii illaa 2004 soo qabtay xilalka ayaa kala ah;-
1-Yuusuf Xaaji Siciid ‘’Madaxey’.
2-Cismaan Dalmar Yuusuf.
3-Axmed Cali Xaashi.
4-Cabdirashiid Maxamed Xirsi.
5-Siciid Xassan Shire.
Tan ayaa ka dhigan in Baarlamaanka Puntland ay dooran doonaan Guddoomiyaha Lixaad ee Golaha Wakiiladda Puntland oo ka soo jeedi doona beesha Sanaag ee Warsangeli.
C/llaahi Warnooge
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay