X

Yaman oo gantaal ku garaacday markii labaad garoon ku yaal Sucuudiga

Ciidamada xooga dalka ee Yaman ayaa gantaal ku garaacay markii labaad muddo 24 saacadood ah garoonka Abxa ee ku yaala meel aan ka fogeyn xadka labada dal. Yaman ayaa sheegtay in garoonku muddo saacado ah uu hawada ka baxay.


”Ilaah ayaa ku mahadleh waxaan hilfaha u qaadney garoon cadowhu uga soo duulo shacabka Yaman ee ay xuurtada ku hayaan ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay. Wahaabiyada Sucuudiga oo taageero ka helaysa Mraykanka, Ingiriiska uiyo Yuhuuda ayaa burburiyay dhaqaalaha iyo shacabka Yaman ee fiqiirka ah.

Weerarka ayaa loo adeegsaday gantaalaha loo yaqaan Samad oo saarnaa diyaaradaha aan iswadin, waxana lagu qaaday laba mar muddo 24 saacadood ah.


Inkastoo Maraykanka iyo Yuhuudu qayb weyn ka yihiin dagaalka Yaman, haddana waxay ku guuldaraysteen inay jebiyaan ciidanka xooga ee Yaman oo ay ugu yeeraan Xuutiyiinta. Wahaabiyada Sucuudiga ayaa ka masuula qaxa iyo dhimashada kumanaan Yamaniyiina.

Rashiid Ceelanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.