X

Yaman oo garaacday xarunta ugu weyn ee Sucuudiga ee ajaanibtu joogaan

Ciidanka Yaman ayaa gantaalo ku garaacay xarunta ugu weyn ee Maraykanka iyo Yuhuudu Ka degan yihiin Sucuudiga. Xarunta  lagu sifeeyo saliida ee albaqayb ayaa waxa Iska leh shirkadda Aramko ee soo saarta saliida iyo gaaska ee dalkaasi.


Gantaalkan oo saarmaa diyaaradaha aan is wadin ayaa xalay bartamihii habeenka lagu dhuftey xarunta Albaqayb ee bariga dalkaasi. Waxa markiiba is-qabsaday olol.

Maaha markii ugu horeysay ee xoogaga dawlada Yaman ee ay hogaaminaayay Xuutiyiintu ay garaacaan xarun muhiima oo looga soo duulo.


Idaacada codka Sucuudiga ayaa sheegtay in gantaalo ku soo dhaceen xarunta. Waxa la bilaabay in laga qaxo magaaladaas maanta oo saliidii ay holcayso.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.