Yarkii saacada uu sameeyay awgeed loo xiray dalkaasi Maraykanka ee Axmed Maxamed una dhashat Maraykanka laakiin aabihii ka soo jeedo Suudaan ayaa dalkaasi Qadar siiyay hoy isaga iyo qoyskooda isla markaana lagu daray dugsi ka mida dugsiyada Maraykanka ee ku yaal halkaas. Qadar ayaan jeclaaday ayuu yiri Axmed wuxuuna sheegay in ay tahay magaalo dhisan. Axmed oo iskaga tagey dugsigii uu ku jiray ee sida un u cunsureeyay markuu sameeyay saacad uu rabay in uu isaga dhaadhiciyo macalinkiisa.
Axmed ayaa Isniintii la kulmey madaxweynaha Maraykanka halkaas oo Obama amaaney kartidiisa. Axmed ayaa sidoo kale la kulmey madaxweynaha Suudaan, Raiisal wasaaraha Turkiga, Boqorada Urdun iyo madax caalama iyo wealiba madaxda horkacaysa tiknoolajiyada.
Dawlada Qadar ayaa sheegtay in isaga iyo qoyskiisa ay siinayso waxkasta oo ay u baahan yihiin oo ay ku jirto waxbarashada guriga iyo nolosha kale. Axmed ayaa aabihii ahaa qoxooti ku nool dalkaasi Maraykanka markuu waydiistey magangalyo.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay