11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Yugaandha oo sheegaysa inay xukun dila ku riday askar Somali xasuuqday

Dhawaan ayay ahayd markii askarta Yugaandha ee jooga Koofurta dalka ay xasuuqeen dad shacaba kadibna ka dhigeen argagixiso soo weerartay. ”Markay dileen ayay bambo gacmeed tuureen ayuu yiri ka badbaade.




Maxkamad ku taal xerada Xalane ayaa si qowda maqashii waxna ha u qaban ah ku oogtey dacwad askartaa gaysatey xasuuqa ka dhacay gobolka shabeelaha hoose. Warkan ayaa imaanaya xilli la eryay danjirihii ugu sareeyay Yugaandha ee Amisom.

”Waxaan ku helnay inuu dabloolayay dambiyadii laga galay shacabka Soamliyeed iyo weliba tacadi joogta ah oo uu ku hayo ganacsatada Somaliyeed ee xarunta Xalane wax uga baahda ayuu yiri wasiirka arimaha dibedda.



Laba sarkaal oo ciidanka Madax u ahaa ayay ku Xukuntay dil toogasho ah halka askarta dilka fulisayna lagu xukumay min 37 sano oo xabsi ah. Waxase la sugaa in la fuliyo dilka toogashada ah.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS