09/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Yugandha oo isbedel ku wata ciidankeeda jooga Koofurta Somaliya: SAWIRO

Dowladda Uganda ayaa isbedel xooga ku wada ciidankeeda jooga Koofurta Somaliya.Ciidan  boolis ah ayaa ka soo degay Magaalada Muqdisho, kuwaa oo qayb ka ah Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee joogga Somaliya.

Ciidankan oo Talaadadii ka soo degay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa soo dhaween loogu sameeyay Xarunta Taliska Amisom ee Xalane.

Booliska cusub ee ka socda dalka Uganda, ayaa waxay bedel u yihiin boolis kale oo horey kaga joogay Magaalada Muqdisho, ka dib markii ay dhameysteen mudadii loogu talla-galay inay jooggaan, oo hal sano ahayd.

Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Booliska Amisom, haweeneyda lagu magacaabo Christine Alalo oo la hadashay askarta cusub, ayaa ku soo dhaweysay ka qayb qaadashada hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.

Thomas Kamugisha oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska ee Uganda, ayaa sheegay diyaar inay u yihiin in ay gutaan waajibaadka shaqo ee loo keenay dalka Somaliya.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan ciidan boolis ah oo ka kala socda Wadamada Ghana, Sierra Leone, Nigeria, Uganda iyo Kenya.

Taliska Booliska Amisom, ayaa dhawaan sheegay in ay gacan ka gaysan doonaan suggida ammaanka goobaha lagu wado in lagu qabto doorashooyinka sanadkan la fillaayo inay ka dhacaan Somaliya.

Polic1

Polic2

Polic3

Polic4

Polic5

Polic6

Polic7

Polic8

Polic9

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS