X

Yuhuuda laga eryayo midowga Afrika

Kadib markii Yuhuuda noqotey korjooge ka mida midowga Afrika sanadkii hore ayaa waxa jirey wadamo badan oo Muslimiina iyo kuwo kalaba sida Koofuir Afrika oo aad uga xanaaqay go’aanka uu qaatey madaxa Afrika.


Wadamo ay ka mid tahay Jasaair ama sida Afka Ingiriiska lagu yiraa Aljeeriya ayaa safka hore kaga jira sidii Yuhuuda looga saari lahaa korjoogaha laga dhigay. ”Wax wadatashi lagama yeelan in Yuhuuda laga dhigo korjooge ayay tiri Koofur Afrika.

Shirka afartanaad ee midowga Afrika uga furmaya Addis ababa ayaa waxa ka mida qodobada lagu lafoguri doono, inkastoo Itoobiya ka mid tahay dalalka xiriirka la leh Yuhuuda, hadana waxa jiraysa cod loo qaadayo.


Tan ugu daran ayaa ah in wadamada Woqooyiga Afrika ayna isku wada raacsanayn in Yuhuuda laga eryo Midowga Afrika oo waxa taageero u haysa Marooko.



Afrika waxay hore ula dagaalantey midab kala soocii Koofur Afrika, waxa hadda ka jira dhulka reer Falastiin waa isla wixii Koofur Afrika ka dagaalantey ayuu yiri Ramtana. Madaxa Afrika Musa Faki ayaa ka cadhaysiisay wadamo badan markii u aqbalay in Yuhuudu noqoto xubin korjooga ka ah midowga Afrika.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.