X

Maxamed Xuseen Rooble oo loo sheegay inuu lacagtii Imaaraadka keeno

Kadib markii Imaaraadka looga yeeray baahane Maxamed Xuseen Rooble oo si foolxun oo loogu soo dhaweeyay halkaas ayaa waxa loo sheegay inuu keeno lacagta ku jirta bangiga dhexe ee Imaaraadku tuugnimada ku geliay dalka.


”Runtii wejigabax xun ayuu kala kulmay iyo waxaanu filayn halka uu filaayay in kiish lacaga loo soo dhiibo oo uu kuraas ugu iibiyo horjooge Siciid Deni iyo kuwa kale ee tartanka kula jira madaxweyne Farmaajo ayuu yiri Cali Calasow. Kulanka ayaa u badnaa sidii looga hortagi lahaa soo noqoshada madaxweyne Farmaajo.


Rooble baahane ayaa codsaday in la siiyo 5 milyan oo u noqota gacan qabsi uu shaqada ku socodsiiyo laakiin markiiba loo sheegay in qayb weyn la siin doono haddii uu lacagtaas ku soo celiyo gacanta Imaaraadka iyo haddii laga guulaysto Farmaajo.



Bangiga dhexe iyo maxkamada ayaa labaduba diidey in shilin laga saaro bangiga ilaa la xaqiijinayo sida lacagtaasi ku soo gashay dalka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.