X

Yuhuuda oo ka qaylisay madaafiicda Xisbullah haysato

Milatariga Yuhuuda ayaa ka qayliyay madaafiicda ay haystaan ururka Xisbullah oo ay sheegeen inay maalin kasta soo tuuri karaan 2500 oo madfac halka ururka Xamaas ay maalin walba soo tuuri jireen 450 gantaal.


Sarkaalka u hadlay Yuhuuda oo is barbar dhig samaynayay ayaa ka walaacsan dagaal lala galo Xisbullah inaanu noqon doonin kii ay dadka badan ku badan ku xasuuqeen sanadii 2006.

ā€¯Markaad fiiriso waxa ina sugaya haddii aan galno dagaal maaha wax la dhayalsan karo, marka waa in kun jeer laga fikiraa awooda Xisbullah ee aad u sii kordheysa.


Ururka Xisbullah ayaan ka qayb gelin dagaalkii Yuhuudu ku xasuuqday Falastiinta QASA waxayse balan qaadeen inayna daawan doonin xasuuq markale ka dhaca dhulka Yuhuuda iyo Maraykanku haystaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.