X

Somali galbeed oo welli sugaysa xawaaraha 4G oo Itoobiya balaadhisay

Shirkada isgaarsiinta ee Itoobiya ayaa sheegtay inay balaadhisay magaalooyinka ku xidhan xawaaraha internetka ee 4G oo adduunka badankiisu qaatay 15 sanno kahor. Xawaaraha dheereeya ee internet-ka moobilada ayaa lagu daawan karaa moobilada bilaa googo.


Shirkada isgaarsiinta ee Itoobiya ayaa sheegtay in barnaamijkan ay hadda ku gaadhsiisay ilaa 122 magaalo oo u badan magaalooyin dhexdhexaada tirada dadka ku mool halka welli aan lagu xidhin magaalooyinka tirada badan sida Diridhaba iyo Addis Ababa.


Ma jirto ilaa hadda magaalo ka midda Somali galbeed oo tijaabada laliska 4G uu soo gaadhay, waxase xoog uu u gaadhay gobolada Galbeedka Itoobiya iyo Axmaarada halka kan Oromada uu yaryahay inta uu soo gaadhay.


Dadka laliska xawaaraha uu soo gaadhay ayaa loo sheegay inay qaadan karaan Aadan xarunta isgaarsiinta kadibna ka qaataan qolof kale gashadaana moobilkooda.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.