X

Yuhuuda oo ku faraxdey hadal ka soo yeeray Sheekha Sucuudiga ugu weyn casuumadna u fidisay

Yuhuuda aya ku faraxdey hadal ka soo yeeray Sheekha Sucuudiga ugu weyn casuumadna u fidisay. Sheekh Cabdulcasiis AlSheekh  ayaa ku tilmaamay ururka xaq u dirirta Falastiinta ee Xamaas inuu yahay urur argagixiso.



Sucuudiga iyo Yuhuuda ayaa waxa ka dhexeeya xiriir fiican oo qarsoodiya oo saxaafada reer galbeedkuna qariso. Wasiirka Yuhuuda u qaabilsan isgaarsiinta ayaa Sheekha ku casuumay Yuhuuda sheegayna in si weyn loo soo dhaweyn doono.



Sheekh Cabdulcasiis ayaa laga soo xigtey inuu fatwa ku soo saaray in aan lala dagaalamin Yuhuuda. sida ay qoreen warbaahintu.

Sucuudiga ayaa ku amaana Yuhuuda sida ay ula dagaalamaan ururka akhwaanka ee Xamaas inta badana la sheego inuu bixiyo lacagta.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.