X

Yaa u soo baxay koobka aduunka ee 2018 ee ka dhacaya Ruushka

 Yaa u soo baxay koobka aduunka ee 2018 ee ka dhacaya Ruushka. Waxa xalay la soo gabagabeeyay is reeb reebka koobka aduunka ee sanadka dambe ka dhacaya dalkaasi Ruushka.

Waxa jira wadamo lagu yaqaanay inaanay ka harin koobka aduunka sida Talyaaniga oo ka hadhay markii laga badiyay. Hadaba wadamada u soo baxay oo 32 wadan ah waxa ka mida kuwan hoos ku qoran.



Qaarada Afrika

Siniigaal, Masar, Nayjeeriya, Marooko iyo Tuniisiya

Qaarada Eeshiya



Jabaan, Sucuudiga, Iiraan, Koofurta Kuuriya iyo Ostaraaliya

Qaarada Ameerika iyo bartamaha

Barasil, Arjentina, Peeruu, Migsiko, Yurugway, Panama, Kosta Rika iyo Kolombiya

Qaarada Yurub

Ruushka, Jarmalka, Ispayn, Faransiiska, Ingiriiska, Iswiidhan, Bolan, Bortuqaal, Denmaak, Aysland, Beljim, Korueshiya, Seerbiya, Swiserlaan.

Ciyaaraha ayaa ka bilaabmi doona caasimada Ruushka ama magaalada Soji ee xeebta halkaas oo uu ka qaybgeli doono madaxweynaha Ruushka Putin.



Dadka ciyaaraha indha indheeya ayaa qaba in Afrika ay rajo leedahay oo ay wadan kale ku soo biirin doonto qaarada qaasatan Siniigaal haddii ay gaaraan wareegyada dambe, waxaanse jirin xidigo la daawado.

Isku aadka koobka aduunka ayaa dhacaya kowda bisha soo socota kana dhacaya hoolka weyn ee madadaalada ee ku yaala caasimada Ruushka ee Moosko.



Wadanka aan hal gool laga dhalin is reebreebkii soo dhamaadey ayaa ah Marooko. Tigidhka ugu riqiisan ee ciyaaraha ayaa lagu qiyaasay $450 doolarka Maraykanka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

 


admin:

This website uses cookies.