09/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Yuhuuda oo Tuuniis ku khaarajisay khabiir

Sirdoonka Yuhuuda ayaa Tuuniis ku khaarajisay khabiir urur diimeedka Xamaas u qaabilsanaa samaynta diyaaradaha aan iswadin una dhashay Tuunisiya.

Khabiirkan oo lagu magacaabo Zawaari da’diisuna ahayd 49 jir ayaa sirdoonka Yuhuudu ku dileen gaadhigiisa hortiisa isaga oo jooga meel u dhow guriga uu deganaa kuna yaal magaalada labaad ee dalkaasi Tuuniisiya ee Sfax.

Maaha markii ugu horeysay ee Yuhuudu Tuuniisiya ku khaarajiso siyaasiyiin iyo khuburo. Yuhuuda ayaa Iiraan ku dishey khuburo sameeya hubka nukliyeerka.

Urur diimeedka Akhwaan Muslimiin ee ka taliya Qaza lana baxay Xamaas ayaa sheegay in Yuhuudu ugaadhsatay, waxase fuliyay dilka isla Tuunisiyiin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS