November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Yukarayn oo hubkii Maraykanku siiyay ku weerartay bariga dalkaasi

Caasimada gobolka Dombaas ee bariga Yukarayn oo ay ka taliyaan falaagada diidan maamulka reer galbeedka wato ee caasimada dalkaasi Yukarayn ayaa faray dadkooda inay ka baxaan gobolka una qaxaan Ruushka. Yukarayn oo awood is bidaysa ayaa duqeyn xoogan ku bilowday gobolkan.



Ciidanka Yukarayn ayaa hore u sheegay inay xoog ku qabsan doonaan bariga dalkaasi oo ay degan yihiin dad Ruusha oo Ruushku ka digey inay difaaci doonaan.



Ruushka ayaa wacad ku maray inaanu daawan doonin in dadkooda hortiisa lagu xasuuqo waana ta keentay inuu xadka keeno ciidamo badan ugana digo Maraykanka in Yukarayn ku biiri karin ururka burburey ee NAATO taasina dagaal keeni karto.




Maraykanka oo cabsi ka qaba in dagaal uu la galo Ruushka ayaa ogolaaday inayn Yukarayn ku biirin ururkiisa NAATO ayna swadahadal la galayaan Ruushka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS