X

Yukarayn oo xoog looga saaray magaalada muhiimka ah ee Debalste iyo ciidankoodii oo caga cadaan lugeeyay

Kiev–Xoogaga diidan in Yukarayn ku biirto reer galbeedka lana go,do gobolada bariga ee Ruushku degan yahay ayaa xoog uga saaray ciidanka reer galbeedku taageero ee Yukarayn magaalada Debalse.  Waxa la arkay ciidanka Yukarayn oo caga cadaan kaga baxay magaalada hubkiina laga dhigey.

Xoogaga diidan in Yukarayn ku biirto reer galbeedka ayaa sheegay in ay siiyeen dariiqyar oo ku baxaan kadib markii ay dagaalami kari waayeen rasaastiina ka dhamaatay.

Waxa maxaabiis ahaan loo qabsaday in ka badan 500 oo askarta Yukarayn ee reer galbeedku taageero ah waxana wadada dheer lagu arkay askar iyo taangiyadii ay wateen oo xawli ku socda.

Magaaladan ayaa leh wado tareen oo isku xidha gobolada ay gacanta ku hayaan xoogaga xoriyada raba ee Ruushka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.