X

Yukrayn oo sharaxday waxay dabada u gelinayso guryaha iyo warshadaha

Hawlgalka khaaska ah ee Ruushku ka wado Yukrayn ayaa marhore soo dhamaan lahaa haddii uu heli lahaa ciidan uu la dagaalamo oo xitaa ay ku jiraan kuwa si fuleynimada ah hubka u siinaya ee reer galbeedka qaarkood iyo inta badan Maraykanka.


ā€¯Hadaad na leedahay is dhiiba oo banaanka is keena oo halaydin ka badiyo si toosa noogu sheeg ayuu yiri la taliyaha madaxweynaha Yukrayn ee Maraykanku ku adeegto.

Hubka Maraykanku keenayo maaha mid waxtar u leh dagaal foolka foola ee waa mid ku fiican guryo ka dagaalanka ayuu raaciyay la taliyuhu. Marka guryaha oo aan qoriga ka soo dhex tuurnaa waxay yaraynaysaa dhimashadayada waxayna badinaysaa midka Ruushka ayuu ku faanay.


Waxa Maraykanku u sheegay inayna u babac dhigi karin Ruushka laakiin ugu yaraan ay dhismayaasha dhulka dhigaan si hadhow ay balaayiin doolar u noqoto dib u dhisidooda ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Yukrayn.



Hawlgalka Ruushka ayaa inta badan waxa hakiyay dagaalka guryaha oo sida keliya oo lagu jabin karaa ciidanka ay noqonayso in guri kasta lagu dumiyo. Hadda waxay ku jiraan warshado magaalo dhana oo ku yaal bariga dalkaasi halkaas oo ciidanka Ruushkuna afaafka hore ka joogo oo ayna bixi karin inay is dhiibaan mooyee.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.