X

Yukrayn oo ugu dambeyn is dhiibtey

ARAABINEWS WAR HADDA YIMI

Waxay is giijisaba waxay hadda Yukrayn ogolaatey inaan dhulkeeda Iman karin ciidan shisheeye, ayna iska ilowdo riyada ah inay ka mid noqoto xilafada dabadhilifka u ah Marayaka iyo dunida khaniiska. Afhayeen u hadlay weftiga Ruushka ayaa shaaca ka qaaday.


Qodobada ugu waaweyn oo dhan oo madaxweyne Buutin dalbadey una galay Yukrayn ayaa ah in reer galbeed jaarkiisa noqon iyo weliba inuu joojiyo xasuuqa lagu hayo dadkiisa bariga Yukrayn.


Ruushka ayaa sheegay inay dalbanaayeen qofobadan sanado badan arinta hadda Yukrayn ogolaatey laakiin ay dabada ka riixaayeen kooxda Maraykanka ayuu sheegay afhayeenka weftiga Ruushka.


Waxa hadda aan sugnaa waa arimo yaryar oo u baahan inaan saciixa Ku adkayno. Ruushka ayaa sheegay inaan wadahadal ka taagneyn gobolka Karaymiya iyo labada gobol ee ay degan yihiin dadka Ruushka ee bariga Yukrayn.



Wadahadalada ayaa sii socon doona waxana kadib la filayaa in lagu dhawaaqo xabad joojin ayadoo Ruushku Ka mid noqon doono wadamada ilaalin doona Yukrayn oo aan loo ogolayn inay yeelayo hubka nukliyeerka.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.