X

Rooble wuxuu u qabaa inuu wax u tarayo xildhibaanadii la diley waxase hadda

ROOBLE BAAHANE

Rooble Baahane oo caawa isku imaad qabyaaladeysan ka qayb galay ayaa sheegay inuu ogyahay cida fulisay qaraxii Beledweyne haddana imaatankiisa halkan aan la jeclaysan. Baahane ayaa mar kale ka duway eeda kooxda dhiigmiiratada shabaab ee iyagu si cad u sheegtay.


”Wuxuu u qabaa inuu wax u tarayo xildhibaanada uu sida qabyaaladeysan oohin isaga keenayo ayuu yiri Cali Calasow. Waxase hadda la rabaa inuu hay’adaha amniga u sheego cida fulisay haddaadnu sidaa samayn weaa dambiile qaran oo sharaf meel uga dhacay dawladnimada, runtii u baahan in toos loo xiro ayuu raaciyay Cali Calasow.


Bal yaa noogi sheegi kara cida uu hadda wax u taray Rooble Baahane. Wuxuu si cad ugu tuntey dawladnimada aan hadda jirin lagumana tilmami karo raiisal wasaare, waxaaanse la yaabay cida uu warkan maqashiinayo makuwa hadda uu leeyahay waa iga kala tageenbaa.


Kulankan caawa dhacay oo ahaa mid qabyaaladeysan oo aan gebi ahaanba lagu xusin dadkii la xasuuqay ayaa Baahane iska dhigey nin murugaysan. Haddii nidaam adag oo dawladeed jiri lahaa Baahane oo kale jeel ayuu ku dambeyn lahaa.



Xasuuqii Beledweyne oo ay si toosa u sheegteen dhiigmiiratada shabaab ayaa Rooble Baahane leeyahay cida fulisay ee ka dambeysay ayaan hayaa waxase la is weydiinayaa waxa uu sirdoonka ugu gudbin waayay si loo qabto ayuu qabaa Xuseen Warsame.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.