X

Yurub oo dhuxul shidan doonta kadib markii ay ku kibirtey Ruushka

Ruushka ayaa hadda shaaciyay inay gebi ahaanba hakiyeen dhuumaha gaaska qaada ee geeya Jarmalka iyo kuwa kale kadib markii wasiiro uu ku jiro Jarmalku ku dhawaaqeen inay qiimo go’an u goyn doonaan gaaska Ruushka iyo waxa laga sii saaro. Wasiirada oo dabada ku haya Maraykanka ayaan sheegin qiimaha ay u goyn doonaan dal xora gaaskiisa.


Ruushka ayaa hore u sheegay inaanu gaas ka iibin doonin dalkii ka qayb gala mashruuca Maraykanku wato ee qayb Ka ah cunaqabataynta fashilantey, ayagoo Isleh lacag la’aan haku dhacdo Ruushka ama dhaqaale ahaan u burburiya, wayse socon wayday


Dhamaan wadamadii ay baryeen inay la caawiyaan hawsha qiimo goynta gaaska Ruushka ayaa ku gacan saydhay sida Shiinaha iyo Hindiya iyo dhamaan wadamada kale ee xorta ah.

Haddaba ayadoo dhuumaha gaaska geeya Jarmalka ay baryahanba cunaha ay hayeen Jarmalku ayaa Ruushku dhamaanba hakiyay gaaskii mari lahaa.


Tani waxay ka dhigan tahay in wadanka Yurub ugu qanisan ee Jarmalku uu shidan doono dhuxusha qaboobahan. ” Cid kaga futo xun Jarmalka ma jirto haddii Ruushku ka jaro gaaskiisa taano taanada uu ku heli jiray ayuu yiri Xuseen Warsame haddana dhuxusha ha shito.



Hakinta uu Ruushku hakiyay waxay kor u qaadaysaa qiimaha gaaska guud ahaan, taas oo Ruushku faaiido weyn uu ku qabo. Reer galbeedka dabada kaga jira Maraykanka ayaa waxa haysta dhaqaale burbur tii ugu xumayd oo ka qaadeen cunaqabataynta ay is lahaayeen Ruushka ku burburiya laakiin iyagii dib ugu noqotey.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.