23/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Yurub oo ku dhawaaqday sida ay u qaybsanayaan qoxootiga jooga Yurub dhexdeeda iyo wadamo kale oo qaadanaya qayb: WARBIXIN

Hogaanka sare ee Yurub ayaa ku dhawaaqay in ay qaybsanayaan qoxootiga haatan ku sugan Giriiga iyo Talyaaniga iyo kuwa kale ee jooga Yurub iyadoo waliba qaar kale laga soo qaadanayo wadanka Siiriya ee ay burburiyeen argagixisada ay taageeraan Sucuudiga, Turkiga iyo Qadar. Wadamada kale sida Austaraliya ayaa iyaguna sheegay in ay qaadan doonaan qaybtooda.

Hadaba sidee ayay qorsheeyeen in ay u qaybsadaan qoxootiga hadda jira. Qoxootiga hadda jira ayaa lagu qiyaasay 120,000 waxayna sheegeen in wadanka kasta qaadan doono tiro taas oo ku xidhan tirada wadanka iyo sida dhaqaalihiisu yahay.

Tusaale ahaan Poland oo fiqiira oo dadkoodu sida Siiriya u kala qaxeen wadamada Yurubta kale ayaa sheegtay in ay laba kun oo qof ka qaadan doonto qoxootiga waase laga diidey, waxayna hadda qaadan doontaa tiro ka badan.

Boqolkiiba lixdan qoxootiga jooga Talyaaniga, Giriiga iyo Hungari waxa loo qaybin doonaa wadamada Jarmalka, Faransiiska iyo Spain inkastoo qoxootigu aanu diidi Karin wadamada loo qoondeeyay.

Austareeliya ayaa iyaduna sheegtay in ay qaadan doonto 12,000 kun oo qoxooti ayna ka qaadan doonto xeryaha Turkiga kuwaas oo waliba ah kuwa la takooro.

Ingiriiska ayaa isna sheegay in uu qaadanayo ilaa 20,000 kun shanta sano ee socota waase laga diidey waxana la filayaa in uu si deg dega u qaato dadka uu qaadayo.

Jarmalka ayaa isagu si sharafa u sheegay in uu qaabili karo 500,000 kun sanad kasta isagoo aan u baahan caawimaad kale taas oo lagu sheegay in uu noqday wadanka ugu dhaqaale weyn Yurub.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM