X

Yurub oo lagu eedeeyay inay masuul ka tahay dhimashada kumanaan tahriibayaala

Warbixino ay sii daayeen hay’addaha qaramada midoobey iyo kuwo kale oo bilaa dawlada ayaa lagu sheegay in wadamada Yurub ay masuul ka yihiin dhimashada kumanaan tahriibeyaala oo naftooda soo haligay.


Tahrribeyaashan naftooda soo haligay ayaa u badan dhalinyar dhaqaale doona oo ka cararaya nidaam darada ka jirta dalkooda sida Somaliya oo ayna ka jirin dawlad adag tan iyo 1991. Dalka ayaa waxa jira maamul jufeedyo jaqay dhiiga dadka.

Baaritaankan ayaa lagu sheegay in tahriibeyaashan soo haligey naftooda ay ku dhintaan marka wadamada xadka ah ee Yurub ay dib u celiyaan doomaha sida taasina keento dhimashada iyo dhaawaca soo gaara.


Wadamada aadka u isticmaal dib u celinta doomaha sida naftood haligeyaasha ayaa waxa ka mida Maalta iyo Giriiga oo warbixintu sheegtay in arintaas darteed ay ku dhinteen ilaa 2000.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.