Yuusuf Garaad oo la eryay ayaa jawaabtiisa ku soo bandhigey faysbuug. Waxyaabaha lagu eryay ayaa ka mida inuuna qarin sirta qaranka hadana la filayo inuu qarxiyo siro badan oo qaranku leeyahay.
Yuusuf Garaad ayaa lagu yaqaan inuu faysbuug ama baraha bulshada kaga hadlo siyaasada iyo kulanada uu la qaato madaxda caalamka. WAxa booskiisa lagu bedelay nin ay isku jufo yihiin.
Waxana codsadey beesha uu ka soo jeedo.
Qoraalka Yuusuf Garaad oo u muuqda inaanu waxba ka ogeyn ayaa u qornaa sidan:
“Maanta oo ah Khamiis, taariikhdu ay tahay 4-ta January sannadka 2018, aan xalay aniga iyo Wasiiru Dowluhu ku daahnay howl uu Ra’iisal Wasaaruhu ii xil saaray in aan maanta soo hordhigo Golaha Wasiirrada, ayaa qof saaka iga soo wacay dalka Mareykanku uu ii sheegay in xilka la iga qaaday.
Ka dibna waxaan telefoon u diray oo aan ka hubsaday Wasiirka Warfaafinta oo aan weydiiyay in warkaas idaacadda Qaranka laga sii daayay. Wuuna ii xaqiijiyay. Ra’iisal Wasaaraha inkata oo aan wacay iima suurta gelin in aan wadahadalno marka aan daabacayo sadarradan.
Waan xusuustaa in hadda ka hor uu Madaxweynuhu igu yiri afar sano waan isla dhammeysaneynaa. Niyad wanaag ayaan uga arkay laakiin kama rumeysan. Umana heysan in uu damcay in aanuu run ii sheegin. Laakiin waxaan ogaa in ay u badan tahay in aanay suurta gal noqon.
Ugu horreyn, si buuxda ayaan u aqbalay xil ka qaadista.
Marka xiga, Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, waxaan uga mahadcelinayaa in aniga oo aan midkoodna weydiisan ay bishii March 2017 Soomaali oo dhan ay aniga iga soo xuleen, ka dibna ay ii magacaabeen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee dalkeyga, markaas oo aan noqday Wasiir Arrimo Dibadeed oo aan dalka dibaddiisa looga yeerin ee isaga oo caasimadda jooga oo Dowladda u shaqeeya la magacaabo.
Waa qaddarin, mudnaan, sharaf iyo aamminaad aad u weyn. Waan ka mahadcelinayaa.
Waxaa kale oo aan uga mahadcelinayaa wada shaqeynta iyo qaddarinta aan ka helay xilligii aan xilka hayay.
Soo akhrintii C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS