X

13 wiil oo asalkoodu Somali yahay oo maxkamadi ku heshay ka ganacsiga gabdhaha cadaanka ah iyo Somalida dalka Ingiriiska

Bristol 27 Nov 2014–Maxkamad ku taal magaalada Bristol ee galbeedka Ingiriiska ayaa 13 Somali ah oo ah nooca loo yaqaano kaluun iyo baradho ayaa lagu helay ka ganacsiga jidhka gabdhaha cadaanka ah iyo waliba sida warar hoose sheegayaan kuwa Somalida. Gabdhaha ayaa inta badan la iibgeeyaa waxase laga yaabay in gabdhaha qaar ay ku jiraan caruur 13 jir ah,. Ka ganacsigan ayaa socday in muddo ah mana aha dhaqan ay Somalidu leedahay.

Gabdhahan oo mid ka mida ay ururada caruurtu geeyeen magaalada Bristol ayaa raadinaysay qof wehela oo ay la noolaato waxase dhacay in kooxdani ka faaiideysatay waxana la sheegay in laga iibiyay raga kale ee Somalida ah ee waaweyn.

Booliiska oo raadinaya gabadh ay walaalo yihiin gabadhan la xumeeyay ayaa ugu tagey guriga ay deganayd waxayna arkeen iyadoo hoos jiifta jikada qaybta weelka lagu dhaqo oo oohin wajiga haysata o kaliya xidhan nikis waxayna sheegtay in hadadan la kufsaday oo ay kufsadeen wiilal Somali ah oo dabcan ah kuwo ay aamintey.

Waxay qiratay in marar badan ay isaga baahneyd wehel oo ay ogolayd oo ay xataa ayna rabin lacag marar badana laga baxsaday. Booliiska ayaa sheegaya in gabdhaha ay keeneen ururada caruurtu maadaama ay ka soo kaxeeyeen waalidiintooda oo raadinaya wheel in laga faaiideystay.

Waxayna qirteen in tani tahay isha baarkeeda dhibaatada taala ee lagu hayo gabdhaha da,doodu aadka u yartahay. Bulshada Somalida ayaa aad uga naxay ficilkan wuxuushnimada ah waxayna dalbadeen in sharciga la tiigsado.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.