X

15 kun ardey oo u fariistey imtixaanada dugsiyada sare ee Puntland: SAWIRO

15 kun ardey ayaa u fariistey imtixaanada dugsiyada sare ee Puntland. Madaxa Puntland Cabdiwelli Gaas ayaa furey imtixaanaadka dugsiyada dhexe iyo sare ee maamulka.



Imtixaanka ayaa lagu gali doonaa illaa 100 goobood oo ka tirsan maamulka goboleedka Puntland ee Soomaaliya.Gaas ayaa ardayda ku dhiirogaliyay imtixaamka, isaga oo u sheegay in ay cabsida imtixaamka iska saaraan.



” Maxaad dareemaysaan, wadnahaa idiin gariiraya miyaa? Idinka oo aanan intixaamka galin ayaadba guuleysateen, mar haddii aad meeshan soo gaarteen, niyadda kheyr u sheega, wajigiina farxad ayaa idiinka muuqata” ayuu yiri Cabdiwali Gaas oo ka hadlayay dugsiga Gambool ee magaalada Garoowe.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.