X

Cadho ka dhalatey gabadh lagu diley Qabri-dahare ee ismaamulka Somalida

Cadho ka dhalatey gabadh lagu diley Qabri-dahare. Sida uu ku waramay qaraabada gabadha lagu diley Qabri-dahare oo ka tirsan ismaamulka Somalida Itoobiya, gabadha ayaa ku jirtey jeel.

Dadka magaalada ayaa si adag uga soo horjeestay arintan. Ismaamulka Somalida ayaa iyaguna sheegay in gabadhan is-dishey oo ay isku dishey jeelka.



Faahfaahin kama bixin waxay isku dishey iyo in loo gaystey jirdil. Gabadhan oo lagu magacaabo Taysiir Cumar Maxamed Cilmi Salal, waxa ay jirtay 20 sano, wali ma aysan guursanin, waxayna u shaqaynaysay dowladda hoose ee magaalada Qabri-dahare, gaar ahaan xaafadda shanaad.

Waxayna u ololeyn jirtey xuquuqda dumarka inkastoo tan ahayn sababta loo diley. Sawiro la soo dhigey baraha bulshada oo aanaan xaqiijin Karin ayaa u muuqata Taysiir in la ciijiyay.

Gabadha adeerkeed oo idaacadaha la Hadley ayaa yiri;



“Qoladan meesha joogta, kuwa wax maqlaya ma ahan, baaqna looma diri karo, dhibaatadan alle ha naga dulqaado, tii ugu horeysay ma ahan, tii ugu dambeysayna ma ahan, dilkana hala joojiyo, waa ceeb kusoo korortay Soomaalida” ayuu yiri Maxamed Xiis Kallane oo ku hadlay magaca qoyska gabadha ay ka baxday.

Warbixintii C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.