Tuesday, April 23rd, 2024
header










Meta







1963 Somaliya waxay xiriirka u goysay Ingiriiska: maxaase dhacay

Waxay ahayd 9 bilood kahor inta ayna Kiiniya xornimada ka qaadan Ingiriiska, waxay dawlada Somaliya xiriirka u goysay dawladii Ingiriiska ee xilligaa joogtey wadamo badan oo aduunka ah laakiin ay sii wiiqmaysay dhulbalaarsigii ay ku joogtey aduunka badankiisa kadib burburkii dawlada Islaamka ee uu horseeday markii Wahaabiyiintu la safteen Ingiriiska.



Kadib kacdoon xornima doona oo ka dhacay gobolka balaaran ee Somaliyeed er Kiiniya Ingiriisku siiyay ee ay u yaqaaneen NFD, waxa Ingiriiska lagu qasbey inuu afti ka qaado dadkaa Somaliyeed ee hoos fadhiya macmiyadiisa.

Waxa kadib codbixin laga qaaday dadkaas Somaliyeed ee degan gobolkooda NFD, waxayna boqolkiiba 90 isku raacaan inay soo raacaan Jamhuuriyada Somaliya, waase diidey inuu codkaas soo bandhigo si gobolkaas ugu biiro Somaliya inteeda kale.



Barlamasnka Somaliya oo ka fariistey diidmadan ayaa cod u qaaday in Somaliya xiriirka u jarto Ingiriiska oo isku haystey inuu awood is bidaayay.

Kadib naxaa dhacay

Waxa dawlada Somaliyeed qaaday talaabooyin cunaqabatayna oo ka dhana Ingiriiska iyo xulafadii uu watey. Waxay xirtey xarun tabineed oo idaacadiisa BBC ku lahayd Berbera, waxa laga mamnuucay diyaaradaha u adeega inay isticmaalaan hawada Somaliya oo xilligaas muhiim u ahayd isku socodka saldhigiisa Cadan iyo Kiiniya ilaa Hindiya.



Waxa kale oo la xanibay laysan ay diyaarado kale ku imaan jireen kuna usticmaali jireen hawada Somaliya, waana inta kaliya oo dawladu awoodey.

Ingiriisku muxuu isna qaaday

Wuxuu joojiyay deeq uu ku kabi jirey miisaaniyada dalka sanadkii, taas oo Somaliya wax u dhintey. Somaliya ayaa bedelkeeda waxay caawimo weydiisteen dawlada Maraykanka oo markiiba u diidey. Waa markii labaad ee dawlada Maraykanku dhulka geliso dawlada iyo shacabka Somaliyeed ayadoo xilli dambana inoo diidey inay hub inaga iibiso maadaama aan xiriirkii u jarney Ruushka.



Ingiriisku intaa kuma harin wuxuu qayb weyn ku lahaa hubeynta, maalgelinta iyo taageerida jabhadihii indhaha la’aa ee jufeysnaa ee dalka burburiyay ee la bixi jirey S-ta.

Wuxuu sanadii 1989 u sheegay reer Yurub inay joojiyaan dhamaan caawimaha ay dawlada siiyaan oo ay ku jirto daymaha, taas oo curyaamisay hawlihii dawlada. Wuxuu ilaa hadda kolba u gudbiyaa Qaramada midoobey inaan Somaliya laga qaadin cunaqabataynta hubka.



Dhinaca kale waxa cadowga Kiiniya bilaabay inuu kufsado, xasuuqo, xeryana ku aruursho shacabka Somaliyeed ee ku nool halkaas, mana jirin cid u hadasha maadaama xoogii Somaliya lagu wajihiyay Itoobiya.

Taariikhdu way is gurtaa welina way taagan tahay wayna ka sii daran tahay oo qarankii ayaanba jirin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABIBEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...