X

3 Haweena iyo ilmo yar oo ku jira khasaaraha shil ka dhacay duleedka Hargeysa

Dad aad u murugeysan ayaa ku soo xoomey isbitaalka magaalada Hargeysa kadib markii shil foolxun uu ka dhacay duleedka magaalada. Khasaaraha shilkaasi ayaa la xaqiijay dhimashada 3 haweena, ilmo yar iyo dirawalka gaadhiga.


Booliiska magaalada ayaa sheegay in shilku ahaa laba gaadhi oo midi yahay dheyno halka kan kalana uu ahaa nooha waxa loo yaqaan. ”Shan meyda ayaa la keenay isbitaalka halka 8 kalana ay dhaawac yihiin ayuu yidhi nin u hadlay isbtaalka.


”Sideeda dhaawaca ah waxa halisa laba ka mida ayuu raaciyay. Si kastaba ha ahaatee dhacdooyinka noocana ee laga argagaxayo waxa ka masuula dirawalada oo gebi ahaanba qayra masuula.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.