X

Shirkada Dahabshiil oo iska fogeysay horjooge Muuse Biixi deeqna siiyay maatadii

Shirkada Dahabshiil ayaa iska fogeysay wuxuushnimadii horjooge Muuse Biixi kula kacay maatadii reer Koofur Galbeed ee Laascaanood ee uu u beegsaday qabiilka ay yihiin. Waxa kale oo uu soo dareeriyay kuwii ku noolaa Ceerigaabo inta ISAAQU dego.


Dahabshiil oo dantu ugu jirto inay dadka Somaliyeed u sinaadaan ayaa deeq-dhan sadex boqol oo kun oo doolar kaga qayb qaatay dib u dejinta maatadaa uu sida xun ugu tuntey.


Masuuliyiinta Koofur galbeed ayaa u mahadceliyay sida gunimada ee dahabshiil uga qayb qaatey dad lagu tarxiilay magaca ISAAQ. ”Tani waxay muujinaysaa in falkan ayna qabiilka ISAAQ shaqo ku lahayn ee uu ku kooban yahay cuqdadaale horjooge Muuse Biixi ayuu yiri Xuseen Warsame.

”Waxaan u sheegayaa inaanu ictiraaf ku helayn waabase ka dheeryahay ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.