X

Shiinaha oo deeq la soo gaadhay maatadii Laascaanood

Wasiirada gargaarka dawlada dhexe ee Somaliya ayaa sheegtay inay deeq ka gudoontey safiirka Shiinaha u fadhiya Somaliya. Gargaarkan ayaa isugu jira teendhooyin, maro-kaneecooyin iyo agab caafimaad.


Maatadii uu Muuse Biixi ka soo caydhiyay Laascaanood oo u badnaa waayeel iyo dumar iyo caruur ayaa hadda lagu aruuriyay qaarkod deegaano ay u jirto Baydhabo. ”Runtii ma haystaan wax buuran oo dadkaas loo geeyo.

Waxa maqan kaalinta dawladda dhexe oo ku jirta doorasho laakiin haddana in loo istaago dadkaasi waa muhiim ayuu yiri Cali Calasow. Gargaarka ay ka gudoontey safiirka Shiinaha ayaa ku jirey konteenaro.


Waa dalkii ugu horeeyay ee gargaar la soo gaadha maatada laga soo eryay Laascaanood ayadoo horjooge Muuse Biixi u eegay qabiilka ay ka soo jeedaan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.