X

30 qof oo Isbitaal loola cararay Soomaali Galbeed

Wararka aan ka helayno deegaan Awarre ee gobolka Jarar ee Somali galbeed ayaa sheegaya in isbitaal loola cararay ugu yaraan 30 qof oo cunay hilib sumaysan. Neefkan sunta qabay ayaa la qalay maanta.



Dadkan tirada badan ayaa sida la sheegay cumnay hilib geel sumaysan. Dadka hilibka cunay ayaa la sheegay in neefku bukay markii la qalaayay isla markaana shuban ka socday.

Afar iyo labaatan ka mida dadka hilibka geela cunay ayaa loo gudbiyay isbitaalka weyn ee magaalada Dhagaxbuur. Waxa caada ah in xoolaha sii dhimanaya la qasho waxase aan la agaranayn xanuunka neefku qabay.



Maaha markii ugu horeysay ee deegaan Somali ka mida ay dad ugu dhintaan hilib sumaysan. Maadaama ay xuntahay tayada dhakhtar ee ka jirta deegaanka lagama yaabo in la sheego nooca uu yahay xanuunku.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.