X

Galmudug oo soo bandhigtey khasaaraha ay gaysatey kooxdii Ahlusunna

Maamulka Galmudug ayaa soo bandhigey khasaaraha maal ee ay gaysatey kooxda Ahlusunna sheeganaysay ee dagaalka looga saaray magaalada Guriceel. ”Khasaare weyn oo maal ayaa soo gaaray degmada ayuu yiri Cabdiwelli C/llaahi.



Isbitaalada aan booqanay mid ka mida dhamaan qalabkii yaalay waa gubtey haddana laguma shaqayn karo ayuu raaciyay C/welli C/llaahi oo Galmudug u qaabilsan caafimaadka.


Waxa degmada ka barakacay boqolaal qoys oo welli la daala dhacaya xanuuno soo wajahay maadaama ay duurka deganaayeen. ”Runtii waxaan filaynay maaha khasaaraha aan aragnay waana mid weyn ayuu raaciyay.

Galmudug ayaa soo afjartey dagaalka usbuucii hore.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.