X

Way naga go’an tahay inaan Somalilaan aduunka barno: Ingiriiska

Ingiriisk ayaa wacad ku maray inuu maamulka Somalilaan baro aduunk intiisa kale, wuxuuna ku faanay sida dekeda Berbera hadda u shaqaynayso. ”Waxaan maalgeshi ku samaynayna dekedda Berbera anagoo la shaqayn doonaa Imaaraadka ayuu yiri wakiilka Ingiriiska u fadhiya Hargeysa.


Mar uu yarka weriyaha weydiiyay waxa ay iyagu u aqoonsan la’yihiin ayuu ugu jawaabay in mowqifka Ingiriisku in muddo ahba ahaa sidii marka hore loo dhisi lahaa maamulka Hargeysa iyo Burco, ayna taas xooga saarayaan.

Wuxuu dhowr jeer soo qaatay mashruucyo waaweyn oo ay ka fulinayaan duleedka Hargeysa sida waddo hareer maraysa Hargeysa oo ay marayaan xamuulka ka imaanaya dekeda Berbera ee u socda Itoobiya.


Wuxuu kaloo ku faanay inay dib u habayn ku samayn doonaan wadada Berbera iyo Burco, deked cusubna u dhisi doonaan gobolka Sanaag ugana dhisi doonaan Xiis iyo Meydh.

Ingiriisku wuxuu kaloo maamulka gooni goosadka u sameeyay sanduuq boqolkiiba 90% lacagta ay ku soo shubaan ay ku baxdo Hargeysa iyo Burco ayna ugu magac dareen sanduuqa horumarinta Somalilaan.


Wakiilka oo hadda dib ugu noqonaya dalkiisa ayaa sheegay in maamulku hadda u baahan yahay in la dhiso dhaqaale ahaan lagana dhigo sida Taywaan, haddii Koofurta dalka laga heli waayo dawlad adagna ay u noolaadaan sida Taywaan oo kale.

Wuxuu kaloo balan qaaday inuu shirkadaha Ingiriiska ku dhiirigeliyo inay maal gashadaan Hargeysa iyo Burco. Markasta oo la weydiiyo su’aasha ictiraafka ayaa wuxuu xooga saaraa in hadda aduunku baranayo maamulka Somalilaan iyaguna kow ka yihiin taas lafteedana ay guul tahay.


Ingiriiska ayaa hore ugu guulaystey inuu maamuladii fadhiidka ahaa ee Shariif sh Axmed iyo Xasan Sheekh ku qasbo inay waxa loogu yeero wadahadal u furaan maamulka Somalilaan, waxana halkaa ka soo baxay sheekada Ingiriisku u bixiyay ”Somaliya iyo Somalilaan” oo muddo 9 sanno ah kadib caan baxday.



Isagoo magacaas isticmaalayana wuxuu yidhi ”anagu waxaan sugaynaa waxa ka soo baxa wadahadaladaa iyo mustaqbalka ay wada yeelanayaan waa sida uu hadalka u dhigey.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.