06/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Waa kuma af-Miinshaar Guulwade iyo af-tahan waa Samatar, Xirsi iyo Cadaani

Af-Miinshaar  wuxuu ka koobanyahay laba eray oo kala ah AF iyo Miinshaar ( Prefix & Suffix” .Erayga Af-miinshaar  wuxuu soo baxay 1958  waxaana curiyay Marxuum Cabdillahi Qarshe.
Goobtu waxay ahayd fadhi qayilaad ah oo ay ku arrinsanaayeen Halgamayaashii  “Walaalo Hargeisa ” ee kasoo horjeeday gumaysiga Ingriiska.  Abwaanada goobtaas fadhiyay  waxa ka mid ahaa  Marxuum Maxamed ismaciil “Barkhad Cas”;  Marxuum Xussein Aw Faarax; Marxuum Cali Sugule ; Marxuum Cabdillahi Qarshe iyo qaar kale .
Halgamayaasha badankoodu waxay u shaqayn jireen dawladda siiba Radio Hargeisa. Waxa  lagu amray inay ka hortagaan oo soo dhaweeyaan Duke of Gloucesster , oo ka socday Gumaysigi Ingriiska , kana soo  degaayay Hargeisa.
Ujeedada socdaalkiisu   waxay ahayd inuu xadhiga ka jaro Hargeisa Airport; State House; Hargeisa Municpality iyo mashruucyo kale.Kooxda “Walaalo Hargeisa “way kasoo horjeedeen in la qaabilo oo laga hortago ” Duke of Gloucesster ” , laakinse amar ayaa lagu siiyay.
Hadaba, ayaga oo arrinkaas ka tashaanyaa,waxa u soo galay nin la yidhahdo ” Adan “, oo  hadal badan ,  hadal macaan, faan badan. Wuxuu halgamyaashii  kula taliyay   inay  soo dhaweeyaan  Duke of Gloucesster . Wuxuu u sheegay  inmusharka loo kordhin doono, la dalacsiin doono, lacagna la siin doono.
Markii u hadalka dhameeyay , ayay ka codsadeen inuu dibedda uga  yara baxo si ay go’aan u gaadhaan.Markii uu  kadinka ka baxay, ayuu Cabdillahi Qarshe yidhi ” Waar   Af-miinshaarkan ina helay muxuu ahaa ? “. Isla goobti waxa ereyo gole ka foo l ah ka tiriyay Marxuum Maxamed Ismaciil ” Barkhad Cas” . Wuxuu yidhi :
” Awoogay ninkii adoonsan jiray,
Ninkii aabahay indhaha ka riday,
Ninkii anigana I  iibsaday,
Hadaan   arkayoo   ka aarsan karayn,
Hadaanan Aadanow unuunka jarayn,
Aan ooyee albaabka ii xidha “                           
 
Ereyga ” Af-miinshaar ” wuxuu kusoo baxay Adan  oo ahaa nin muqayil ah , tumasho badan, hadal badan una  adeegaayay dulmi , tacadi, boob iyo booli qaran.
Waxa maanta shabaha   Prof Axmed ismaciil Samater oo ah nin hadal badan, faan badan, balwad badan,heesaha   qaraamiga jecel.Ninka jiray 70  sano , ee   ku dhici waayay inuu  qoys dhiso ” Still bachelor “, ma dhisi karaa qaran ?.
Ninka Xamar la tegay “Hiil Qaran ” ee Hargeisa kula soo noqday ” Hiil  Qabiil”  iyo inaadeerkay    Saylici ” ayaan dhisayaa, ma dhise karaa Qaran    Prof Samater waa ” Advanced Af-miinshaar ”  ilbaxa oo leh ” Excellent Presentation Skills ” , laakinse aanay waxba uga hoosayn.
La soco qormada labaad ” Guul-Wade Cadaani “.
Drs. Hoodo Yusuf, London, UK.