X

7 gobol oo Jarmalka ah oo diidey siyaasada u gooya qubeyska iyo biyaha kulul

Horjoogeyaasha 7 gobol oo ka tirsan Jarmalka ayaa gebi ahaanba diidey siyaasada dawlada dhexe ee ay dadka u sheegeen inay qubeyska u gooyaan, biyaha kululna hareeyaan si gaas loo isticmaalin. Siyaasadan ayaa timi ayadoo dalku galay xaalad xun kadib markii ay Ruushka ka doorteen Maraykanka.


Shirkada adduunka ugu weyn ee gaaska ee Ruushku leeyahay ayaa sheegtay in ciladi ku timi dhuumaha gaaska ka qaada ee geeya Jarmalka siiba dhuumaha loo bixiyay Nord 1.

Hadda waxa madaxda 7-daas gobol dalbanayaan in la furo dhuumaha labaad ee loo yaqaan Nord 2 oo Jarmalku joojiyay furistiisa kadib cadaadin uga timi Maraykanka oo raba inuu gaaskiisa ka iibiyo Jarmalka.


Haddaba 7-dan gobol oo aad u muhiima ayaa u sheegay wasiirka dhaqaalaha Jarmalka in dalku fowdo galayo iyo faqiirnimo aan laga kabsan karin ayna tahay in dalku xor u yahay siyaasadiisa dhaqaalaha.

ā€¯Waxaan kuugu baaqaynaa dalku eber ayuu ku socdaa ee waa inaad fasaxdaa dhuumaha labaad haddii dhuunta koowaad cilad ku timi ayay ku yiraaheen warqada ay u direen. Ha inoo dambeyso siyaasada Maraykanka ee Ruushka ku wajahan teenii meeday.



Dawlada ayaa hore u diidey inay furto dhuumaha labaad oo toos uga yimaada Ruushka ayagoo ku raaligelinaya Maraykanka iyo dagaalka uu kula jiro Ruushka. Si kastaba ha ahaatee dhuuntan hadda ciladu ku timi ayaa sare u kac xoogan ku keentay gaaska Yurub oo hadda aan la goyn karin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.