X

Maraykanka oo ka naxay safarka Lafroof ee Itoobiya

Wasiirka arimaha dibedda Ruushka Sergey Lafroof ayaa booqasho ku yimi Itoobiya kadib laba booqasho oo kale oo ku soo maray wadamada Masar iyo Koongo. Wasiirka ayaa booqashadiisu u badan tahay inuu Afrika u tilmaamo sidey iskugu filnaan lahaayeen.


Itoobiya ayaa isku diyaarinaysa shirka Afrika iyo Ruushka ee ka dhici doona Addis ababa sanadka dambe. Ruushka ayaa Itoobiya ka fuliya mashaariic la xiriira wax soo saarka iyo kuwa kale oo muhiima sida tamarta.

Waxase booqashada wasiir Lafroof aad uga naxay kana gubtey Maraykanka oo sarkaal magaciisa qariyay ku sheegay mid wlaac xooga leh oo ahayd in Afrika la safato Yukrayn, waxase Ruushku tusay in dunida xorta ayna la socon.


Itoobiya ayaa iyadu sheegtay in Ruushka iyo Yukrayn keliya ka wada hadlaan waxa ka dhexeeya, waxase la ogyahay in dagaalku toos ugu dhexeeyo Maraykanka oo ku daba gabanaya Yukrayn, ilaa hadda waxna u tari waayay.


Dhinaca kale waxa isna ka xanaaqay warbaahinta reer galbeedka oo soo gudbinaya wasiir Lafroof oo Afrika u sheegaya in sixir bararka adduunka ay ka masuul yihiin Maraykanka iyo kuwa la socda, halkii isaga ay waraysan lahaayeen. ”Lafroof miyaa iga caan noqday ayuu yiri Josep oo ah xoghayaha arimaha diddea ee reer Yurub. (Sawirka hoose)


”Waad ogtihiin in cunto yaraanta soo wajahday wadamada Afrika ay sababeen cunaqabatayna areer galbeedku saaray cuntadii ka soo go’day wadamada Ruushka iyo Yukrayn inkastoo markii ay iyaga xoog u saaamaysay ay fasaxeen ayuu yiri Sergey Lafroof.

Ruushka oo reer galbeedku filayeen inuu muddo kooban dhici doono ayaa iyagii dib ugu noqotey kana qaadeen dhaqaale burbur.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.