November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Soomaali la dagaalay shaqaalaha diyaarada Turkiga

Wararka aan ka helayno magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Soomaali la socotey diyaarada Turkiga ay la dagaaleen shaqaalaha diyaaradaas inta ayna soo caga dhigan garoonka Muqdisho. Rakaab ka mida dadkii la socday diyaarada ayaa ka waramay sida wax u dhaceen.



”Waxa diyaarada nala saarnaa dhalinyar la soo tarxiilay oo lagu qabtey tahriib, waxayna la dagaaleen nin ka mida shaqaalaha diyaarada oo sida muuqata la gaarsiiyay dhaaqac inkastoo laga qabtey ayuu yiri.



Diyaarada markii ay soo degtay ayaa waxa dahalintii lagu xirey isla garoonka markii lagu wareejay ciidanka booliiska oo baadhitaan ku bilaabay. Waa markii ugu horeysay oo Soomaali tahriibeyaala laga so celiyo Turkiga.




Soomaali farabadan oo Turkiga galay ayaa soo dhaweynta uga faaiideystay inay ka sii tahriibaan halkii ay ka faaiideysan lahaayeen fursadaha jira dalkaasi.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS