Sarkaal ka tirsan ciidamada ilaalinta nabadgelyada wadooyinka ayaa ka badbaaday weerar miino oo loo geliyay dhulka oo lagu qaaday isagoo marayay wadada warshadaha ee magaalada Muqdisho.
Taliyaha Howlgalada Taraafikada Muqdisho Maxamed Cabdi Cumar (Baakay) ayaa sheegay in qaraxaasi lagu doonayay in lagu dilo balse uu ilaah ka badbaaday balse qof rayid ah uu ku dhintay qaraxaasi labo qof kalana ay ku dhaawacmeen.
Qaraxan miinada ayaa ka dhacay goob ay ka howlgalaan ciidamada taraafikada iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay ka damabeysay.
Saddex maalmood kahor ayaa qarax miino lagu xirey gaari ay wadatay mid ka mid ah weriyaasha ka howlgala radio Muqdisho lagu diley magaalada Muqdisho.
Ciidamada ilaalada wadooyinkaama taraafikada ayaa ah kuwo aan badanaa dhibaato ka soo gaari jirin weerarada qaraxyada ah hase yeeshee sanadkii aynu ka so gudubnay ayaa qaar mid ah taraafikada magaalada Muqdisho lagu diley wadada muhiimka ah ee Maka Al Mukarama iyagoo weiba howlahooda shaqo ku jirey.
C/llahi Warmooge
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay