19/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Somalida Maraykanka iyo qoomiyadaha kale ee ay la degan yihiin Minasota oo isku yimi kana hortagey xiqdi

Somalida Maraykanka ayaa sameeyay arin lagu farxo kadib markay casuumeen qoomiyadaha ay la degan yihiin Minasota si looga hortago xiqdiga iyo jaahilnimada uu la yimi musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee Trump. Kulan ka dhacay xarun Somalida iyo Muslimiintu leeyihiin ayaa lagu sarifey ujeedada jaahil Trump.

Dadkii ka hadlay oo isugu jirey Muslimiin iyo jaarka Muslimiinta ayaa isku raacay in laga hortago nacaybka jaahil Trump oo ay jiraan kuwo la mida oo maalin walba dhibaato u gaysta Muslimiinta.

Kulanka ayaa loogu talogalay in shacabka reer Minasota ay ka mideysan yihiin iyagoo diimo kala duwan wata xumaanta iyo jaahilnimada uu la wareegayo Donald Trump.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM