Sunday, June 2nd, 2024
header










Meta







War deg dega: argagixisada shabaab oo xasuuq ka gaysatay Muqdisho iyo dad wado marayay oo waxyeelo soo gaartey

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in argagixisada shabaab qarax ka gaysteen wadada mashquulka ah ee Maka Al-Mukarama halkaas oo la sheegayo in ay waxyeelo ka soo gaartey dad masaakiina oo iska wata hawl maalmeedkooda.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu sababay dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn, hase ahaatee goob joogayaal ayaa sheegaya inay arkeen dhaawacyada lix ruux oo goobta laga qaaday qaraxa kadib.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo wadada dhinaceeda la dhigay, gaar ahaan nawaaxiga Shineemo Soomaali.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu waxyeelo u geystay goobo ganacsi oo ka ag dhow wadada Maka Al-mukarama, waxaana khasaaraha ugu badan ka soo gaaray dad wadada marayay oo gaari saarnaa.

Qaraxa ka hor ayaa wadada Maka Al-Mukarama ayaa waxaa laga maqlay rasaas culus, kaasoo dabley hubeysan oo gaari saarnaa ku fureen gaari kale, waxaana mar dambe la ogaaday gaariga la rasaaseeyay uu saarnaa Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud Xuseen Wehliye Cirfo, kaasoo ka bad baaday, waxaana ku dhaawacmay darawalkiisa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in gaari rasaaseeyay gaariga uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud uu goobta ka baxsaday, ka hor inta aanu qaraxa dhicin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...