19/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Indhashareerka oo laga madnuucay shabeelaha dhexe iyadoo loo isticmaalo in lagu gumaado dadka

Agaasimaha Warfaafinta Maamulka gobolka Sh/dhexe C/karin Cumar Macalin ayaa sheegay in laga bilaabo 25ka bishan December aan la oggolaan doonin in haweenka indhaha shareerka ku dhex maraan magaalada Jowhar.

“Iyadoo laga duulayo adkeynta ammaanka degmada Jowhar oo dhowaan uu ku furmayo ayaa maamulka gobolka waxa uu go’aansaday in gebi ahaanba haweenku aysan xiran karin indho shareer iyo weliba in mootooyinka bajaajta iyo mootooyinka kale aysan xilliyada habeenkii aysan socon karin laga bilaabo maqribnimadii.”ayuu yiri Agaasimaha warfaafinta maamulka gobolka Sh/dhexe.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay iyadoo lagu wado in dhowaan uu shirka maamul u sameynta labada gobol ee Hiiraan iyo Shabelaha dhexe ka furmo magaalada Jowhar.

Ma aha markii ugu horeysay ee laga mamnuuco haweenka magaalada Jowhar inay xirtaan indho shareerta,waxaana horey u mamnuucay maamulkii hore Maxamed Dheere  xirashada indho shareerta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS