Monday, May 20th, 2024
header










Meta







Safiir xigeenka Iiraan u fadhiya Muqdisho oo ka hadlay xaflad Sucuudigu amrey in la joojiyo

Safiir ku xigeenka Iiraan ee Dalka Soomaaliya Javed ayaa sir Culus shaaca ka qaaday kadib markii Ciidanka NISA ee dawlada Somaliya ay weerar ku qaadeen Xaflad ay soo abaabuleyn oo la sheegay in lagu xusayay dhalashada Nabigeena Muxamed NNKH sidoo kalana aheyd Aroos Wadareed taasoo ka socotay Hotel The Village ee Magaalada Muqdisho.

Safiirka ayaa ugu horeyn sheegay in maanta ay hay’adda samafalka ay Imaam Khumeyni Muqdisho ku qabatay xaflad lagu xusayo dhalashada Nabi Muxamed NNKH iyo haddiyo lagu gudoon siin lahaa Lamaane is aroosay, ardey iyo Ciyaartoy ka tirsan kooxaha heerka koobaad.

Safiirka oo ka jawaabayey su’aal ahyed dadkan haddiyadaha la siinayo yaa soo xulay waxaa uu sheegay in dadka Lamaanaha ah ee la siin lahaa qalabka guriga ay u soo gudbiyeen magacyadooda Wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha iyo wasaaradda dhalinyarada iyo Sportiga iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Dadkan ayaa sida uu Safiirka sheegay waxaa ay ka koobnaayeen 15 Caruus, 15 ardey, 10 qof oo bartay Harqaanka iyo 5 ciyaartooy oo Kabtan ka ah kooxaha Heerka koobaad ee Soomaaliya.

Safiirka waxaa uu intaa raaciyay in tusaale ahaan dadka arooska oo gaaraya ilaa 15 qof, waxaa la siin lahaa midkiiba $200 oo Cash ah iyo Alaab u dhiganta $358, halka ardeyda la siin lahaa qalab waxbarasho iyo Ciyaartoyda oo la siin lahaa Kubado iyo Min $200.

Safiirka oo ka jawaabayey yaa dowladda Soomaaliya ka socday oo xafladda joogay waxaa uu sheegay in xafladda ay joogeen Cusmaan Libaax Ibraahim oo ah Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Maxamed Cumar Dhalxa oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Safiirka oo sidoo kale ka jawaabayey waxa dhacay, waxaa uu sharaxay in ciidamada amaanka ay soo galeen xafladda oo socota iyagoo ku amray dadkii Hoolka joogay in ay kala tagaan, Wasiirka iyo Xildhibaanka ayaa isku dayey in ay la hadlaan laakiin hay’adaha amaanka waxaa ay ku adkeysteen in dadka baxaan.

Safiirka oo codkiisa xanaaq ka muuqato ayaa sheegay in hay’adaha amaanka ay garaaceen darawalkiisa isla markaana ay xireen mid shaqaalihiisa ka tirsan, waxaa la iigula taliyay in aan nafteyda la baxo ayuu intaa raaciyay.

Hay’adaha amaanka ayaa u sheegay in lagu soo wargeliyay in xafladdan ay qabaneyso Safaaradda Iran laakin aanay heysan ogolaashiyo hay’adaha amaanka ah, arrintaas uu iska fogeeyay Safiirka, isagoo sheegay in xafladda ay wadday bilow ilaa dhamaan hay’adda Imaam Khumeyni.

Safiirka ayaa ka hadlay hay’adda Imaam Khumeyni, waxaa uu sheegay in hay’addan la aasaasay towraddii Iran kadib, ilaa 4 Milyan ayey ku caawisaa gudaha Iran, waxaa kaloo ay xafiisyo ku leedahay dalal badan oo Caalamka, waxaa ay ka shaqeysaa arrimo badan sida Caafimaadka, Waxbarashada, Cunto qeybinta iyo xitaa shaqo siinta.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in hay’addan ay joogtay Soomaaliya 3-dii sano ee ugu dambeysay isla markaana ay caawisay dad badan isagoo carabka ku adkeeyay in aanay shaqo ku laheyn Siyaasad iyo wax ku saabsan diin.

Safaaradda Iran ayaa caddeysay in aanay jirin wax shiiceyn ah isla markaana aanay waligood shiiceyn qof Soomaali ah.

Safiirka ayaa amaanay xiriirka Taariikhiga ah ee labada dal ee Soomaaliya iyo Iran isagoo sheegay in ay ay jirto dal sedexaad oo doonaya in labada shacab isku diraan, Safiirka waxaa uu ka gaabsaday Magaca dalka uu ula jeedo.

Iiraan ayaa lagu eedaynayaa in ay Somaliya ka wado dad beerid iyagoo isku guuriya caruur da’yar si loo beero Somali dhalad ah oo qaata Shiiconimada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...