November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Ciidamada kacdoonka reer Adal oo qaaday weerarkii ugu horeeyay ee ka dhana maamulka gooni goosadka

images[7]Degmo Laqas 14 Jan 2015–Ciidamada kacdoonka ee reer Adal ayaa qaaday weerarkii ugu horeeyay oo ay ku qaadeen ciidan beesha dhexe u fadhiya meel u dhow Degmo laqas. Lama sheegin wax khasaare oo soo gadhay labada dhinac waxana wararku sheegayaan in khalkhal weyni ku dhacay ciidankii beesha dhexe u fadhiyay deegaanka weerarku ka dhacay.

Ciidanka kacdoonka reer Adal ayaa goor habeenimo ah weerarkan fuliyay taas oo hurdada u diiday ciidan aan u baran dagaal laakiin goobta loo keenay kahortaga kacdoonka.

Lama garan karo sida xaalku isku bedeli doono waxase muuqata in ciidanka kacdoonku la soo baxay istiraatijad uu hilfaha ugu qaadayo ciidanka beesha dhexe ee ku sugan gobolada Adal.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS